Xog: Xisbiga Xasan Sheekh uu hogaaminayo oo durba cadaadis kala kulmay DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbi cusub oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in looga dhawaaqo magaalada Muqdisho maalinta khamiista, hase yeeshee waxa uu durba la kulmayaa cadaadis kaga imanaya dowladda.

Xisbigan uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in loo bixiyey “Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda”, waxaana ku midoobay Xisbiga Daljir iyo Kutladii Horusocod ee xildhibaanadii qabyo ay ku jireen.

Xukuumadda uu hoggaamiye Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa durba muujisay walaac ku aadan xisbigaan oo u muuqdo inuu noqon doono midka ugu adag Soomaaliya maadaama ay ku midoobeyn siyaasiyiin saameyn leh, islamarkaana haysta illaa 80 xildhibaan, waxaana ay qaadday tallaabo ay ku yareeneyso saameyntiisa.

Xisbigaaan ayaa qorsheenayo inay Khamiista qabtaan kulan weyn oo ay kasoo qeybgeli doonaan 2 Kun oo qof, halkaas oo la filayo in si rasmi ah looga dhawaaqo ururka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xisbiga uu qorsheenayey inuu markii hore kulankaas ku qabto Howlka weyn ee Shirkadda Baabuurta Garoonka Muqdisho ee Sahal, balse waxaa loo sheegay in xukuumadda ay si hoose u hor-istaagtay arrintaas.

Mid kamid ah xubnaha Xisbiga oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbixintaan ayaa Caasimadda Online u sheegay in laga diiday inay howlkaas ku qabsadaan Xafladda maadaama uu sheegay ay dowladda maamush, si loo yareeyo dadka ka qeyb-galaya munaasabadda.

Wuxuu sheegay in loo sheegay inuu Buuxo Maalinta Khamiista xilli la xaqiijiyey inaysan jirin cid xaflad ku qabsan rabto Howlkaas, balse ay xukuumadda ay ka hor-tageyso inay kumanaan qof meel isugu yimaadaan, taasi oo muujin karta awood siyaasadeed.

“Xukuumadda durba waxay nagu billowday cadaadis, ma aqaan sababta kulankan ay uga walaacsan tahay” ayuu yiri.

Sida wararku sheegayaan Xisbigan ayaa waxaa ku midoobi doono Xisbigii Daljir, Kutlada Horusocod, PDP iyo Siyaasiyiin kale, waxaana xubnaha ugu firfircoon Xisbigan ka tirsan yihiin Baarlamaanka Labada Aqal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com