Diyaarad aan duuliye wadin oo duqeysay GAROONKA Dubai iyo koox sheegatay

Dubai (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ku dhawaaqay inay maanta Diyaarad aan Duuliyaha laheyn (Drone) ay ku duqeeyeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Dubai oo 1200Km u jiro Xuduudda dalka Yeman.

Janaalka Al-masirah oo ay leeyihiin Kooxdaan oo soo xiganayo illo wareedyo aan la shaacin ayaa sheegay in Diyaarad aan duuliye laheyn oo nooceedu yahay UAV Samad-3 lagu duqeeyey Garoonka Dubai Airport kaasoo Dalka Yemen u jiro wax aan ka badneyn 1200K.

Dhanka kale Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Dubai ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Kooxda, wuxuuna maamulka sheegay inay si weyn uga war hayaan amaanka Garoonka aysana jirin wax duqeyn ah oo ka dhacday.

Waa markii labaad oo ay Kooxda Xuutiyiinta Yeman sheeganeyso inay duqeysay garoonka Dubai Airport iyadoo duqeyntii hore ay sheegatay inay fulisay 27 Bishii hore ee August markaas oo ay Maamulka Garoonka ay si weyn u beeniyeen.

Sidoo kale kooxdaan ayaa sheegatay 26 Bishii July inay duqeysay Garoonka Abu Dubai oo ku yaal Caasimadda Imaaraadka ee Abu Dubai loona adeegsaday diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn inkastoo arrintaas la beeniyey.

Imaaraadka Carabta ayaa sare usii qaaday werarada ay ka geystaan dalka Yeman wixii ka dambeeyey Bishii July.

Weerarka lagu qaaday Dalka Yeman ayaa waxaa iska kaashanayo Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta waxaana xusid mudan inay Imaaraadka qeyb ka aheyd howlgalkaas laga soo bilaabo sanadkii 2015.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dhabi
Caasimada@live.com