QM oo Somaliland saartay cadaadis xoogan oo ku aadan DAGAALKA Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay Joseph Katuramu oo ah Madaxa Amniga ee Qaramada Midoobay (UN Security Cheif).

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasaaradda arrimaah gudaha ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada guud ee amniga Somaliland, horumarka iyo wada-shaqeynta hay’addaha QM iyo xukuumadda Somaliland.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayay wasiirka, agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan ayaa sidoo kale waxay labada dhinac uga wada-hadleen dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo galay toddobaadkii saddexaad.

Madaxa Amniga ee QM ayaa u sheegay wasiirka arrimaha gudaha in Somaliland laga rabo inay xal nabadeed ku wajahdo xiisadda Laascaanood, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo ka agdhawa kulankaan.

QM ayaa dhawaan ugu baaqday mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah islamarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood.

“Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta inay sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo dhex-dhexaad ah oo ku saabsan isku dhacyada si loo go’aamiyo cidda mas’uulka ka ah oo lagula xisaabtamo maxkamadeyn caddaalad ah, oo ay qeyb ka tahay burburka lasoo sheegay ee guryaha,” ayuu yiri Ergeyga QM ee xuquuqda aadanaha Volker Türk.

Xukuumadda Somalinad ayaa hore u sheegtay dhankeeda inay diyaar u tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro xiisadda dagaal ee Laascaanood, taasi oo timid kadib cadaadisyo horleh oo beesha caalamka ku saareen dagaalka socda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu ergo dhaqameed u dirayo gobolka Sool, si ay ula soo fariistan Isimida ku sugan Laascaanood, wallow ay arrintaas ku gacan sayreen garaadada SSC oo ayagu sheegay in aysan jirin cid xiriir kala soo sameysay wada-hadal iyo waan-waan laga galayo xiisadda taagan.