QM oo soo bandhigtay laba arrin oo uu ku guuleysan karo shirka ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo shirka wada-tashiga ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay taageero buuxdo siineyso ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isugu leh qaban-qaabada shirkaasi iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed ee ka qeyb-galeyso, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwa miro-dhal ah.

“Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed waxay heystaan taageerada Qaramada Midoobay ee ku aadan guuleysiga shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka ee ay Soomaalidu hoggaamineyso,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay QM.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa looga dalbaday madaxda Soomaaliyeed inay si daacadnimo ah uga qeyb-galaan shirka, si heshiis dhab ah looga gaaro doorashooyinka.

“Waxaan ku dhiiro-gelinay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay si daacadnimo leh uga qeyb-galaan shirka Muqdisho ka dhacaya, si dhakhso looga heshiiyo hirgelinta doorashada,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay tanaasul muujiyaan, si looga gudbo xaaladda adag ee haatan lagu jiro, si ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya horey ugu sii socoto.

“Tanaasul iyo is-afgarad ayaa loo baahanyahay, si Soomaaliya ay horey ugu sii socoto, uguna faa’iideystaan dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta QM.

Bayaankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la filayo inuu magaalada Muqdisho ka furmo shirka doorashooyinka ee dowladda iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu waday inuu maanta si rasmi ah u bilowdo, balse uu ku yimid dib u dhac ay sababeen arimo farsamo.