QM oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday ATMIS ee Buulo-Mareer

New York (Caasimada Online) – War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa si adag loogu cambaareeya weerarkii xoogan ee ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Buul-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo lagu beegsaday xarada ciidanka ATMIS.

Csaba Kőrösi oo ah guddoomiyaha golaha loo dhan yahay ee QM ayaa sheegay inay ka xun yihiin weerarkaas oo askar badan looga dilay ATMIS, gaar ahaan Uganda.

Sidoo kale waxa uu tacsi u diray ehellada, shacabka iyo dowladda Uganda oo ay kasoo jeedeen askarta ku dhintay weerarkaasi oo qaraxyo ku billowday.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weerarkani uu muujinayo sida ay weli halis u tahay kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal adag kula jirta dowladda iyo howlgalka ATMIS/.

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi, si tallaabo adag looga qaado.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhinaca ammaanka ee ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka saldhiga Buulo Mareer ay ku dileen in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka.