QODOBADA ugu culus ee ku jira bayaankii PUNTLAND iyo arrimaha ka dhalanaya

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray bayaan ka koobna saddex bog, kaasi oo ay ku sheegtay mowqif cusub oo ku saabsan geeddi socodka dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan.

“Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoodyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka kaasoo baxay maamulka Puntland.

War-saxaafadeedka Puntland oo ka koobna qoddobo dhowr ah ayaa waxa ugu cusla 2 qoddob oo xasaasiyad gaar ah leh, kuwaasi oo kala ah; In Puntland ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan iyo In meesha laga saaro wada-shaqeynta DF iyo Puntland.

Labadan qoddob oo saameyn weyn leh ayaa waxa ka dhalanaya, arrimahan hoose;

  1. In Puntland ay si iskeed ah u gali karto heshiisyo aysan waxba ka ogeyn dowladda federaalka.
  2. In wax iskaashi amni ah uusan dhex-mari karin ama ka wada-shaqeyn doonin dowladda federaalka iy Puntland.
  3. In aysan dowladda federaalka si toos ah usoo fara-gelin karin rabitaanada guracan ee madaxweyne Saciid Deni.
  4. In Puntland aysan qeyb ka noqon doonin shirarka muhiim u ah dowlad dhiska iyo kuwa Madasha Wada-tashiga Qaran oo xubin ka tahay.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa waxa uu dhawaan sheegay in dowlada uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay raadineyso inay soo celiso nidaamkii dowlad dhexe oo awood leh, taasi oo sida uu sheegay khilaafsan wixii ay raadineysay Puntland.

Deni oo xiligaan qiil ka dhiganaya in Puntland la duudsiinayo waxay xaqa u laheyd, ayaa mowqifkiisa cusub marnaba ka madhneyn dano siyaasadeed gaar ah, kaasi oo hore looga digay.

Si kastaba, Go’aanka kasoo baxay maamul goboleedka Puntland ayaa la qaba haddii ay meel adag iska taagi weydo dowladda federaalka Soomaaliya, ay sidoo kale ku dhiiran karaan maamulada dhigeeda ah, si ay ugu yaraan madaxda dowladda federaalka ugu cadaadiyaan rabitaanadooda gaarka ah.