Taliye XIJAAR oo saddex arrimood kusoo bandhigay shirka dalalka CARABTA

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabka, ayaa ka qeyb-galay shir muhiim ah.

Taliye Xijaar ayaa Abu Dhabi kaga qeyb-galay meertada 46-aad ee shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta.

Shirkan oo sannadle ah ayaa waxa looga hadlayaa ka hortagga iyo la-dagaallanka lacag dhaqista.

Taliye Xijaar ayaa shirka uga warbixiyay guulaha ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gaartay xoojinta iyo tayaynta hay’adaha amniga, dagaalka argagixisada looga xoraynayo dalka iyo dadaallada hay’adaha amniga, oo uu ugu horreeyo Booliska Soomaaliyeed ayna ugu jiraan la-dagaalanka lacag dhaqista.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed ayaa inta uu shirku socday waxa uu kulan doceedyo la qaatay Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Gudaha Carabta Dr Maxamed Cali Bin Koomaan iyo Kaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar Sarreeye Gaas Dr Calaa Cabdulmucdi.

Sidoo kale masuuliyiinta uu taliyaha la kulmay ayaa waxa kamid ahaa Gudoomiyaha Jaamaacadda Naif ee Culuumta Amniga, Dr Cabdulmajid Bin Cabdalla Al-biniyaan.

Taliye Xijaar iyo masuuliyiintan ayaa waxa kulankooda diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirkaan.