Qodob dastuuri ah oo la rabo in Kenya looga joojiyo kiiska maxkamadda ICJ

Nairobi (Caasimada Online) – Koox Kenyan ah ayaa doonaya in dowladda aysan wakiilo u dirin dhageysiga kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee bisha November ka dhacaya xarunta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee magaalada Hague.

Kooxdan ayaa doonaya in maxkamadda sare ee Kenya ay ka joojiso xeer-ilaaliyaha guud Kihara Kariuki, wasiirka arrimaha dibedda Monica Juma, iyo Xafiiska Xuduudaha Caalamiga ah ee Kenya ka qeyb-galka kiiska, sababtuna ay tahay “inuu xadgudub ku yahay dastuurka.”

Kiis ay ka diiwaan geliyeen maxkamadda sare ayaa kooxdan waxay ku doodeen in go’aanka maxkamadda uu hoggaamin karo is-beddel ku yimaada xuduudaha Kenya, ayada oo aan afti la qaadin, sida uu qabo dastuurka.

“Waxaan ka walaacsannahay in inkasta oo Kenya ay isku dayeyso in kiiska kala dhaxeeyo Soomaaliya lagu xaliyo si saaxiibtinimo ah, haddana lama sameyn wax dadaallo ah oo lagu caddeynayo in maxkamadda ICJ aysan sharciyad u lahayn inay kiiskan qaado” ayaa lagu yiri warqad ay qoreen 20 qareen.

Kenya ayaa horey ugu guul-darreysatay doodii ay ka hor-jeedisay maxkamadda ICJ ee ahayd inaysan sharciyad u lahayn in kiiska ay guda gasho.

Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay shaaciso go’aan ku saabsan in kiiska mar kale dib loo dhigayo sida ay codsatay Kenya iyo in kale. Soomaaliya ayaa dooneysa in kiisk la dhageysto waqtigii loo qabtay oo ah 4-ta November 2019.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com