Daahir Geelle oo shaaciyey inuu xilka uga degay arrimo xasaasi ah oo ay madaxda DF Somala ku lug yeesheen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo su’aalo lagu weydiinayay madal loogu magac daray Falanqeynta Siyaasadda Soomaaliya maanta & Mustaqbalka, taas oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen idaacadaha Muqtaqbal iyo Risaala ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah.

Ugu horeyntii Daahir Geelle ayaa sheegay in sababtii uu xilkii wasaaradda warfaafinta uu iskaga casilay ay salka ku heysay kala aragti duwanaasho ah qaabka ay madaxda dalku ula dhaqmayaan siyaasiyiinta mucaaradkaa iyo maamul goboleedyada dalka oo uu sheegay in ay dagaal toos ah kula jiraan taasna ay u cuntami weysay isaga.

Mar uu dul istaagay caburinta siyaasiyiinta ayuu sheegay in uu aad uga xunyahay weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu qaaday oo uu ku tilmaamay xasuuq aan sabab laheyn, “Haddii uu jiro qalad la galay oo dhabar jab ah laga soo billaabo Carta illaa maanta waa Weerarkii lagu qaaday guriga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale is hor taagii lagu sameeyay madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayuu ku tilmaamay nasiib daro kale oo meel uga dhaceysa maamuuskii uu lahaa jiray qofkii mar soo hoggaamiya dalkaan.

Danjire Daahir Geelle ayaa sheegay in uu shakhsiyan u tagay Madaxweyne Farmaajo oo uu siiyay taladaan “Madaxweyne waxa hartay muddadii aad dhaxalka reebi lahayd, dadka kugu hareeraysan ee doonaya in aad meesha ku sii joogto sifo aan suurta gal ahayn, iyaga nacfiga ay kugu qabaan ayay qaadanayaan, adiguna ceebta ayaa kuu hareysaa”.

Farmaajo ayuu kula taliyay hadii uu rabo in la maamuuso oo hadhow loo sharfo sidii madaxweyne dalkaan soo maamulay in uu hadda sharfo madaxdii ka horeysay.

Mar uu ka hadlay khilaafka maamul goboleddyada iyo dowladda dhexe ayuu yiri, “Xukuumadda Dowlad-goboleedyada waxay ka aaminsan tahay in ay yihiin hannaan lagu kaladaadinayo dowladnimada oo ay tahay in laga taqaluso.”

Mar wax laga weydiiyay Daahir Maxamuud Geelle intii uu xukuumadda ku dhex jiray waxa uu kala socday qorsheheeda doorashooyinka ku soo wajahan dalka, ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddu ay ku howlantahay sidii ay talada ugu soo laaban laheyd oo ay toleyso shaati aan u galayn qolo kale sida uu hadalka u dhigay.

“Inta aan ogahay Doorashooyin aan waxqabad ku iman balse lagu sii joogi karo ayay xukuumaddu maanka ku haysaa, shaati cusub oo doorashooyin ah oo xukuumadda hadda jooga mooyee aan qolo kale u gali karin hala tolaa layiri” ayuu yiri Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com