Qodob ku saabsanaa badda oo laga saaray war-saxaafadeedkii Uhuru iyo Rooble kadib carada Soomaaliya

Mombasa (Caasimada Online) – Madaxtooyada Kenya ayaa beddeshay jumlad ku saabsan arrinta badda oo ku jirtay war-saxaafadeedkii laga soo saaray kulanka Rooble iyo Uhuru Kenyatta kadib markii ay ka caroodeen wafdiga Soomaaliya.

Qodobkaas ayaa u dhignaa sidan: “Wuxuu [Uhuru] soo dhoweeyey soo celinta xiriirka diblomaasi ee labada dal, wuxuuna ku baaqay xal saaxiibtinimo ah oo laga gaaro muranka badda.”

Waxaa hadda ay u beddeshay sidan: “Wuxuu [Uhuru] soo dhoweeyey soo celinta xiriirka diblomaasi ee labada dal, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda xasiloonida qaranka iyo horumarinta gobolka, isaga oo sheegay kobac dhaqaale uu suurta-gal ka yahay kaliya deegaan nabad ah.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in war-saxaafadeedka oo lagu daabacay website-ka madaxtooyada Kenya aysan waxba ka ogeyn wafdigii Soomaalida, markii ay ka war heleenna ay dalbadeen in laga saaro, Kenyan-kuna ay aqbaleen. 

Mas’uuliyiinta Soomaalidu iyagu waxay horey ugu adkaysteen in muranka badda ay dhagaysatay maxkamadda caalamiga ah ee garsoorka ayna go’aanka maxkamadda uun sugayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah wafdiga Ra’isul Wasaare Rooble ayaa “Inta aan ku jirno safarka Kenya, ka mid maahan in laga hadlo ama dib loo furo arrimaha khuseeya badda, oo ah kiis dhammaaday oo maxkamaddu go’aankeeda sii deyn doonto. Soomaaliya, Kenya, iyo Midowoga Africa midkoodna uma furna inay ka hadlaan kiiskan ilaa Maxkamaddu go’aankaas gaarto.”