Sawirro: Bayaan laga soo saaray kulankii Mombasa ee Rooble iyo Uhuru Kenyatta

Mombasa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada Kenya ee magaalada Mombasa kulan kula yeeshay wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana bayaan kasoo baxay madaxtooyada Kenya lagu shaaciyey in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in ay muhiim tahay in labada dal ay iska kaashadaan dhinacyo badan sida amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo si buuxda loo hirgelinayo guddiga wadajirka ah ee iskaashiga, kaas oo labada dowladood ay ku heshiiyeen in la aas-aaso sanadkii 2015-kii.

Sidoo kale Uhuru Kenyatta ayaa soo dhoweeyay dadaallada Rooble ee soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ku baaqay in si wanaagsan loo xalliyo muranka soohdinta badda, balse baaqaas Ra’iisul wasaare Rooble ma aqbalin, isagoo cadeeyey in wax wadahadal ah aysan ka geli doonin arrinta badda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Waa inaan xoogga saarno u adeegidda dadkeenna. Tani waxay suurtogal noqon kartaa oo kaliya haddii aan si wadajir ah uga wada shaqeyno sidii aan u cirib tiri lahayn argagixisada. Waxaa la joogaa waqtigii la hagaajin lahaa ganacsiga oo la xallin lahaa arrimaha socdaalka, si loo oggolaado is-dhexgalka dadka iyo dadka,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Sida lagu sheegay bayaankaan ay baahisay madaxtooyada Kenya Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa cadeeyey in xiriirka xumaaday ee labada dowladood laga haboonaa, isagoo sheegay in saaxiibtinimadu ay ku dhisan tahay “deris wanaag, iskaashi, xasilooni iyo is ixtiraam.”

“Maanta waa bilowgii xiriir xooggan oo qoto dheer oo walaaltinnimo. Soomaaliya waxay ku dadaali doontaa sidii loo xoojin lahaa Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga oo dan u ah labada shacab, midnimadooda iyo xasiloonidooda iyo wixii ka baxsan gobolka iyo qaaradda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan raadin doonnaa fursado horseeda xasillooni waarta iyo wada noolaansho nabdoon oo ku dhisan is ixtiraam iyo iskaashi dhab ah, annaga oo ka fogaaneyna wax kasta oo dhaawici kara xiriirkaas.”