Wararkii ugu dambeeyey ee SHACABKII ay xasuuqeen ciidanka Amisom (Dhageyso)

Golweyn (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dad badan oo shacab ah oo ciidamada AMISOM ay galabta ku dileen deegaanka ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo markii dadkaas ay dileen kadib miino ku qarxiyey meydkooda.

Guddoomiyaha deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose Maadey Sheekh Cusmaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyey geerida 7-qof oo ciidamada AMISOM ay gelinkii dambe ee maanta ku dileen deegaan lagu magacaabo Faarax oo 4-KM u jira Golweyn.

Afar ka mid ah dadka la dilay waxay ciidamada AMISOM ka soo dhex wateen beer ay ka shaqeynayeen oo ku taalla deegaanka, halka seddaxda kale ay ku howlanaayeen sameynta gaari uga halaabay deegaanka uu falkaan ka dhacay oo magaciisa lagu sheegay ‘Faarax’.

Guddoomiye Maadey waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay isku dayeen in taliska AMISOM ee deegaankaas ay kala hadlaan falkaan ay ku beegsadeen dadka rayidka ah, balse ay diideen inay kala hadlaan.

“Todoba qof ayay dileen ciidanka AMISOM seddax ka mid ah makaanik ayay ahaayeen oo u yimid sameynta gaari goobta ku halaabay, halka afarta kale ay yihiin dadka deeganka. Maamulka deegaanka wuxuu isku dayey in Taliska AMISOM ee Golweyn lagala hadlo dadkii ay dileen, hase yeeshee saraakiisha AMISOM ee joogta Golweyn weydiideen kulankaas,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golweyn Maadey Sheekh Cusmaan.

Ciidamada AMISOM markii ay dileen dadkaan waxay isugu keeneen hal goob, kadibna waxay ku qarxiyeen miino, sida ay dadka deegaanka u xaqiijyeen Caasimada Online.

Aabe Maxamed Yoonis Aadan oo dhalay wiil ka mid ahaa todobada qof ee la dilay ayaa warbaahinta u sheegay, “Wiilkeyga iyo 6-qof oo kale ayay ciidanka AMISOM qabteen oo ay garbaduub u xireen, kadib goobta ayay ku dileen, dadka la dilay waxaa ku jiray qoysii iska lahaa beerta uu wiilkeyga ka shaqeynayay iyo dhallinyaro kale oo gaari goobta uga halaabay, markii ay toogteen kadib waxa ay dulgeeyeen miino waana ku qarxiyeen, meydadkooda aad ayey u googo’een, waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneynaa in dadkeenii la laayey ay cadaalad helaan.”

Caasimada Online waxay ogaatay in askarta AMISOM ee galabta dishay dadkaan rayidka ah ay weerar jid gal ah oo culus kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, intii ay u soo socdeen fariisin weyn oo ay ku leeyihiin Golweyn.

Hoos ka dhageyso wareysiyada guddoomiyaha iyo Aabaha dhalay wiil ku jiray dadkii la dilay.