Xog: Saciid Deni oo kursiga Jambeel Koombe u wareejiyey Majeerteen + Liiska beelaha

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa soo saaray liiska aqalka saree e BF u matali doona maamulkiisa, liiskan oo aaney kasoo dhex muuqan Sanatarro waa waaweyn, sida Cumar Cabdirashiid, Cabdirisaaq Jurille iyo Maxamuud Mashruuc.

Waxaa kale oo xusid mudan in kursiga beesha Jambeel Koombe ku laheyd aqalka sare loo wareejiyey beesha Maxamuud Ibraahim ee Majeerteen, teeda kale kuraasta haweenka loo xiray, hal kursi ayaa Majeerteen ah halka labada kale ay yihiin Warsangeli iyo Dhulbahante.

Labo Senator keliya ayuu kasoo celiyey baarlamaankii 10-aad isaga oo badalay sagaalka kale. Labada uu soo celiyey waa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Farxaan Cali Xuseen.

Haddaba waa kuwan faah-faahinta kuraasta Aqalka Sare ee liiska cusub

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), oo ah Senator ku fadhiya kusriga sumadiisu tahay UH52, oo ay leedahay beesha Ciise Maxamuud oo ka tirsan Majeerteen ayaa mar kale kusoo baxay liiska musharaxiinta aqalka sare ee federaalka ah ee laga soo dooranayo Puntland, waxaa la tartami doona Maxamed Cismaan Colaad.

Farxaan Cali Xuseen, oo ah Senator ku fadhiya kursiga sumaddiisu tahay UH11, oo ay leedahay beesha Leelkase ayaa sidoo kale ka mid noqday liiska musharaxiinta ee uu Puntland kasoo saaray madaxweyne Deni, waxaa hadda la tartameyso Hodan Isxaaq Maxamed.

Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu ahaa UH41, oo aheyd laheyd beesha Cusmaan Maxamuud ayaa inkasta oo isla beesha la siiyey, haddana isaga laga reebay, kursiga hadda waxaa ku tartami doona Daahir Ayaanle Siciid iyo Maxamed Cumar Maxamed.

Senator Cabdirisaaq Cismaan Jurile oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu ahaa UH27, oo ay laheyd Dashiishe ayaa isla beesha lagu celiyey, laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya kusriga Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo Maxamed Geedi Maxamuud.

Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu aheyd UH39, ee Beesha Cali Saleebaan, Majeerteen ayaa isla beesha lagu celiyey laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) iyo Ismaaciil Mire Muumin.

Senator Siciido Xasan Cismaan oo ku fadhisay kursiga sumadiisu aheyd UH23 ee beesha Warsangeli ayaa laga reebay liiska aqalka sare, waxaana kusoo baxay gabdho ay isku beel yihiin sida Seynab Ismaaciil Maxamed iyo Aamina Jaamac Ibraahim.

Senator Hodan Maxamuud Cismaan oo ku fadhisay kursiga summadiisu tahay UH40, oo ay laheyd beesha Dhulbahante ayaa inkasta oo isla beesha la siiyey hadana iyada laga reebay liiska aqalka sare, waxaa hadda ku tartami doona Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad iyo Naciimo Axmed Bakar.

Bootaan Barre Samatar oo isna ku fadhiyey kursiga summadiisu aheyd UH42, oo ay laheyd Jambeel Koombe ayaa laga reebay liiska aqalka sare, waxaa hadda tartami-doona Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yuusuf Jaamac, oo u dhashay beesha Maxamuud Ibraahim ee Majeerteen.

Senator Shukri Aadan Maxamed oo ku fadhisay kusriga sumaddiisu ahaa UH28 ee ay leedahay beesha Cumar Maxamuud, Majeerteen ayaa beesha lagu celiyey balse iyada laga reebay, waxaa hadda ku tartamaya Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Kowsar Cabdullaahi Xirsi.

Senator Cabdisalaan Xaaji Maxamuud oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu tahay UH25, ee Dhulbahante ayaa isla beesha kusriga lagu celiyey balse isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) iyo Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur.

Senator Mahdi Daahir Sheekh Nuur oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu tahay UH 36, ee ay leedahay Awrtable ayaa isla beesha la siiyey, laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Cabdiqaadir Maxamed Yuusuf.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Deni uu liiska aqalka sare ku daray siddeed gabar, oo saddex kursi si gaar ah loogu xiray, oo ay ku iyaga uun ku tartamayaan, halka labo kursi ay rag kula tartami doonaan.

Dhanka kale, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Gudoomiyaha golaha wakiilada dowlad gobaleedka Puntland ayaa soo saaray ilaa 5 xubin oo ka tirsan golihiisa, kuwaas oo hoggaamin doona doorashada aqalka sare, waxaana guddoomiye u ah guddiga Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle

Waxaa sidoo kale xubno ka ah Xildhibaan Sharma’arke Cilmi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildibaan Cabdirisaq Sahal, Xildhibaan Cabdiqani Faarax.

Murasharaxiinta aqalka sare ayaa lagu wadaa in berri oo arbaco ah ay hortagaan golaha wakiillada Puntland, iyaga oo khudabadaha jeedin doona, waxaana la filayaa in doorashada isla berri ay dhacdo.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye iyo Yaxye Soocadde