Wada-hadallada Rooble iyo Uhuru oo billowday + Sawirro

Mombasa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xarunta madaxtooyada Kenya ee Mombasa ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga la socda, halkaasi oo wada-hadallo ay ku yeesheen.

Madaxtooyada Kenya ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen dhowr arrimoood oo istiraatiiji u ah danaha ay wadaagaan labada waddan. Waxay sheegeen in qodobada laga wada hadlay ay ugu waaweyn yihiin soo celinta xiriirka diblomaasiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxtooyada Kenya waxay intaas ku dartay in Kenya iyo Soomaaliya ay saxiixeen Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah ee 2015-kii. Waxaay sheegeen in Guddigaasi uu qeexayo baaxadda iskaashiga labada wadan ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga.

Waxyaabaha gaarka ah ee la filayo inay safarkan ay kasoo baxaan ayaa waxaa ka mid ah in dib loo furo qaadka Kenya ay keeni jirtay Soomaaliya, oo muddo sanad ka badan loo xayiray qaadka Itoobiya oo ay heshiis ku haystaan xubno ka mid ah qoyska madaxweyne Farmaajo. 

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah wafdiga Ra’isul Wasaare Rooble ayaa saxaafadda u sheegay in ajandaha shirka Rooble iyo madaxda Kenya aysan ku jirin kiiska dacwada badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

“Inta aan ku jirno safarka Kenya, ka mid maahan in laga hadlo ama dib loo furo arrimaha khuseeya badda, oo ah kiis dhammaaday oo maxkamaddu go’aankeeda sii deyn doonto. Soomaaliya, Kenya, iyo Midowoga Africa midkoodna uma furna inay ka hadlaan kiiskan ilaa Maxkamaddu go’aankaas gaarto,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Socdaalkan ayaa imid kadib casuumad rasmi ah oo uu Ra’iisul wasaaraha ka helay madaxweynaha Kenya, taasi oo ay dhawaan soo gaarsiisay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya.

Wada-hadallada Mombasa kadib, wuxuu Rooble sidoo kale safar ku tagi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi iyo diblomaasiyiinta dalalka daneeyaa arrimaha Soomaaliya.