Abiy Ahmed oo shacabka ugu qeyliyey inay dagaal galaan xilli xaaladdu ku xun yahay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Maanta oo Talaado ku ah ugu baaqay qof kasta oo Itoobiyaan ah oo awoodo inuu ku biiro noocyada kala duwan ee ciidamada Itoobiya, sida kuwa gaarka ah iyo Maleeshiyaadka si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro ciidamada Tigrayga.

Abiy ayaa xaaladdu kusii xumaaneysa ayada Tigrayga ay gaareen guulo badan, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen magaalooyin muhiim ah.

“Hadda waa waqtigii ku habboonaa in dhammaan Itoobiyaanka awooda ee qaan gaarka ah ay ku biiraan Ciidamada Difaaca, Ciidamada Gaarka ah iyo maleeshiyaadka si aad u muujisaan waddaninimadiina,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.

Hadalka kasoo yeeray Abiy Ahmed ayaa kuso aadaya qiyaastii lix toddobaad kadib markii ay dowladdu xabbad-joojin hal dhinac kaga dhowaaqday gobolka woqooyi ee Tigray.

Bishii November ayuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogag ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga, oo xukumayay Itoobiya muddo soddon sano ah, haddana gacanta ku haya Gobolka Tigray.

Dawladdu waxay ku dhawaaqday xabad-joojin hal dhinac ah 28 -kii Juun ka dib markii ciidamada Tigraygu ay ciidammada federaalka dib uga qabsadeen magaalo-madaxda gobolka ee Mekele . Waxay sheegtay in xabbad joojintu ay tahay sababo bani’aadamanimo ayna sii jiri doonto ilaa xilliga beeraha.

Waqti beereedka Itoobiya ayaa bilowdo Bisha Juun iyo Bisha September oo ay ka dhiman tahay maalmo qura, waxaana socdo diyaar garow ay dowladda ugu jirto inay dib u bilowdo dagaalka ay kula jirto jabhadda TPLF.

“Waxaa caddaatay in beeraleyda Tigraygu aysan si ammaan ah u beeran karin haddii dadka Tigray aysan weligood iska dhex saarin kooxda argagaxisada ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, dagaalku wuxuu ku fiday gobollada Amxaarada iyo Canfarta ee ku dhow Gobolka Tigray, waxaana ku barakacay ku dhawaad 170,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Qiyaastii 4 milyan oo qof oo ku nool Gobolada Tigrayga, Amxaarada iyo Canfarta ayaa wajahaya xaalad degdeg ah ama dhibaatooyin cunno yari ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.