Qodobadiii uu soo saaray Farmaajo rajo beel ma ka dhigayaan shirka furmaya?

Samareeb (Caasimadda Online) – Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaalida waxey durba fahmayaan in shirka la iclaamiyay ee maanta ka furmaya Dhuusamareeb aysan kasoo bixi doonin natiijo waxyaabaha jira dhan lagu xaliyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray shan qodob oo uu ku iclaaminayo shir ka dhacaya Dhuusamareeb, kaas oo la rabo in lagu xaliyo wax walba oo ku gudban doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha wuxuu iclaamiyay in shirka uu ka socon doono magaalada Dhuusamareeb inta u dhaxeysa 1-da ilaa 3-da 2021, iyadoo la joogo 30-ka January, waxeyna dadka ka hadla arrimaha siyaasadda u arkeen, wakhtigaas yar inaan loogu talagalin in natiijo lagu qanci karo kasoo baxdo.

Marka hore waxey sheegeen iney tahay wax cusub in la sheego wakhti uu bilaabanayo iyo wakhti uu dhamaanayo shir wadatashi oo la rabo in lagu xaliyo arrimo masiiri ah, lana rabo in xal looga gaaro arrimo 4 bilood ay dowladda xalin weysay oo khuseeya xilliga kala guurka iyo doorashada.

Waxaa la leeyahay wakhtiga oo 3 maalmood ah, la iclaamiyay laba maalmood ka hor wakhtiga, in madaxda u baahan yahiin iney isku diyaariyaan maadaama uu yahay shir looga hadlaayo arrimo waaweyn, waxey dadka qaar ula muuqataa inuusan shirku aheyn mid xalka la filayo lagu raadinayo.

In beesha caalamka soo faragaliso arrimahaan, isla markaana ka shaqeyso hanaanka ku aadan doorashooyinka iyo in dalka laga samatabixiyo marxaladda kala guurka ah waxey ku timid in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kusoo bixi waayay doorkii loo magacaabay.