Sheekada muragada leh ee lamaanihii sagaalka maalin kaliya is-qabay ee lagu dilay weerarkii Hotel Afrik

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa arrin murugo iyo uur ku taalo ku reebtay qoysaska lamaane is calfaday oo labo qaaradood jaceyl isaga keenay, kuwaasoo sagaal maalmood kaliya Illaahey isu qoray inay wada noolaadaan.

Masiibadii habeenkii Axada ka dhacday hotelka Afrik ee kooxda Al-Shabaab ku xasuuqeen dad kala duwan ayaa waxaa dadkaasi ka mid ahaa Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali oo sagaal maalmood ka hor guurkooda ka dhacay magaalada Muqdisho, kana mid ahaa dadkii Hotel Afrik maalmaha malabka ku qaadanayay hotelka.

Fahad ayaa wuxuu ka tegay dalka Holland si uu magaalada Muqdisho ugula aqal galo lamaanahiisa Farxiya Cali, waxaana meherkoodu uu dhacay sagaal maalin ka hor sida uu Caasimada Online u sheegay madaxa shirkadda Arag Rijopleidingen Ridwaan Maxamed Xasan oo saaxiibo isla soo koray ahaa marxuumka.

Lamaanahaan oo ka mid ahaa dadkii hotelka deganaa ee ku dhintay weerarkaasi ayaa kooxihii weerarkii fuliyay ay si arxan daran ay qolkii ay ka deganaayeen hotelka ugu dileen.

Allaha u naxariistee Fahad C/raxmaan oo Somalia kasoo tegay sanadkii 1995-kii ayaa aheyd markii ugu horeysay ee uu ku laabto Muqdisho, si uu halkaasi ula soo aqal galo qofkii uu dunida ka doortay, hase ahaatee nasiib daro sagaal maalmood kadib, wuxuu ku baxay gacan ka xaq daran isagoo hamigiisii gaarin.

Weerarkaan ayaa waxaa sheegtay ururka mayalka adag ee Al-Shabaab oo sheegtay in dadkii ay hotel Afrik ku dileen ay ahaayeen saraakiil iyo shaqaale dowladeed.

Ali Muhiyaddiin
London, United Kingdon
Muxiyaddiin@hotmail.com