Sawirro: Kulan xalay dhacay iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka, oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ay wada qaateen kulankan dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in dhammaan xubnaha xalay shiray ay yihiin xulufo isku dhinac ka ah is-mari waaga ka taagan doorashada, ayada oo saddexda madaxweyne goboleed ee xalay la kulmay Farmaajo ay yihiin kuwa uu soo dhistay, uuna wehliyey ra’iisul wasaaraha uu magacaabay.

Waxaa la filayaa in maanta ay Dhuusamareeb gaaraan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ayagana isku dhinac ah.