Qodobada sababay fashilka kulankii XASAN Sheekh iyo SHARIIF Sheekh Ahmed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday kulankii habeenkii Jimcaha magaalada Nairobi ku dhexmaray madaxweynaha tallada haya ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Labada madaxweyne oo isku dheri ah waxaa kulankooda soo agaasimay ganacsato iyo odayaal dhaqan oo ku heyb ah, waxa uuna kulanka ka dhacay guriga mid kamid ah ganacsatadii gogosha dhigtay.

Waxaa soo koobeyna xogtii kulanka iyo waxyaabihii keenay in la ismari waayay, inaga oo soo xiganeyna jawaabaha ay bixiyeen waxgaradkii, ganacsatadii iyo dhinacyadii kala duwana ee kulanka ka qeyb-galay ama sida dhow ula socday.

Markii koowaad furitaan iyo xog wareysi soddan daqiiqo qaatay kadib madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu codsaday in labadooda la iskaga dhex baxo oo gaar u wada-hadlaan, isaga oo muujiyay inay isfahmi karaan.

Kulan laba saacadood ka badan qaatay oo labada nin dhexmaray ayaa mira-dhali waayay, ganacsatadii iyo dadkii kulankaasi la socday ayaa waxay soo gudbiyeen mowduucyada adkeeyay kulanka.

Mid waa inuu madaxweyne Xasan Sheekh ka laabto howsha dastuurka, siyaasadda laga heshiiyo, tabashada Puntland la xaliyo. Xasan Sheekh wuxuu qodobbadaasi uga dooday sida la sheegay in hadda dib looga laaban karin meesha la marayo, wuxuuna codsaday inuu Shariifka halkiisa kala qabsado, oo macnaheedu yahay in aan dastuurka laga laaban karin.

Arrinta Puntland wuxuu ku sheegay wax Saciid Deni ku eeg, wuxuuse dabacsanaan ka muujiyay in siyaasadda dhulka la dhigo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo la sheegay inuu ku adkeystay qabashada doorasho qof iyo cod, Shariif Sheekh Ahmed oo isaguna taas diidaneyd ayaa waxa uu dalbaday in iyada laftigeeda la isla ogolaado, oo ay u baahan tahay faham wadareed.

Mowduuca kale ee sida weyn loogu riiqmay waa awood qeybsi siyaasadeed.

Illaha aan xogtan kasoo xiganey waxa ay sheegeen in Shariif Sheekh Axmed uu dalbaday in Xasan Sheekh wax ka siiyo dowladnimada.

Middaan dambe Xasan Sheekh waxaa la sheegay inuu uga dooday in wax la wada yeesho inay ka horeyso in kalsoonida labada dhinac la soo celiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa ka caga jiiday dooddaha qaran ee ka imaanaya dhanka Shariifka, balse si guud madaxweyne Xasan waa u dhago-nugla inuu dhageysto dooddaha la xiriira wax qeybsiga, si hoos loogu dhigo cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo xukunkiisa.

Odayaashii labada dhinac u kala dab-qaadayay ayaa waxay la kulmeen labada dhinac kahor inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh ka dhoofin magaalada Nairobi. Waxa uuna madaxweynaha u sheegay inay adkaatay in isaga iyo Shariifka isfahman, waxaana ku taliyay in kulanka kale la iskugu yimaado Muqdisho, talladan uu markaan ganacsatada iyo odayaasha wax ka siin doono, laakiin ma uusan sheegin waqtiga kulanka labaad.

Maadaama uusan madaxweyne Xasan Sheekh sheegin waqtiga labaad ee la is arki doono, dhinaca Shariifka waxay fahmeen inuu Xasan Sheekh waqtiga iibsanayo oo uu rabo inuu mudadaasi dhaqaajiyo sharciga axsaabta iyo midka doorashada.

Waxa uuna Shariifka habeen hore soo saaray qoraal uu ku xaqiijiyay inay guul-darro kusoo dhamaadeen wada-hadalladii isaga iyo Xasan Sheekh ee ay garwadeenka ka ahaayeen waxgaradka iyo ganacsatada beeshooda.