Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka gantaallo ee IRAN ay xalay ku qaaday ISRAEL

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa xalay xilli dambe oo Sabtidii ah waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa’iil.

Ciidamada milateriga ee Israa’iil ayaa dhankooda sheegay inay soo rideen qaybo badan oo kamid ah gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkan, ka hor intii aanay soo gaadhin hawada Israa’iil, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay ku soo weerartay in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo xambaarsanaa bambooyin kala duwan. Saacado ka dib, haddana waxaa Iran ay markale ku dhawaaqday inay dhinaca Israa’iil ku ridday gantaallo waaweyn oo khasaare badan geysan kara.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.

Iran ayaa hore u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, ka dib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran.

Hawlgalka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51aad ee axdiga Qaramada Midoobay, inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah, falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.

Iran ayaa intaas ku dartay “Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo gaabiyey fasax uu ku joogay gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware, isaga oo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, lana kulmay saraakiisha amniga u qaabilsan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey.