Qodobka ugu adag ee la isku hayo kadib furitaankii shirka DF iyo dowlad goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada dalka ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho kadib dhowr jeer oo uu sababo kala duwan u baaqday.

Kulankii shalay ayaa ahaa furitaan iyo qado sharaf kaliya waxaana ajendeyaasha shirka si rasmi ah la guda geli doonaa maanta iyo wixii ka dambeeya, taasi oo macnaheedu yahay in doodda iyo loolanka siyaasadeed uu si rasmi ah u billaaban doono.

Shirka ayaa waxaa hortaalla su’aal keeni karta in inta aanba si buuxda loo guda gelin la isku khilaafo taasi oo ah waxa laga yeelayo heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee ay saxiixeen madaxweynaha iyo madaxweyne goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Puntland iyo Jubaland ayaa qaba in heshiiskaas aanu waxba ka jirin, sidaas darteedna hadda iyo kow laga wada-hadlo dhammaan arrimaha doorashada, halka madaxweyne Farmaajo uu qabo in laga wada-hadlo qodobada ay doodda ka qabaan ama ay diidan yihiin.

Si kastaba, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaaba diidan inta badan qodobada ugu muhiimsan shirka sida qodobka qeexaya tirada ergada ee 301, awoodda la siiyey guddiga madax-banaan ee doorashooyinka qaranka, qodobka dhigaya in afar deegaan ay ka dhacdo doorashada, qodobka dhigaya in magaaladii ay amni darro ka jirto laga wareejin karo doorashada, qodobka dhigaya in doorashada lagu galo hanaan xisbi iyo kuwa kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa u arka in haddii heshiiska Dhuusamareeb 3 iyo qodobadiisa dib loogu laabto ay siin karto awood gorgorton, sababtoo ah wuxuu u adeegsan karaa inuu qodobada qaar ka tanaasulo si uu kuwa kale ugu guuleysto, ayna Axmed Madoobe iyo Deni ku adkaan doonto inay qodob walba diidaan.

Waxaa sidoo kale madaxweyne Farmaajo ku ra’yi ah madax goboleedyadii la saxiixay heshiiska Dhuusamareeb 3, oo in heshiiska waxba kama jiraan laga soo qaado u arka in ayaga iyo maamul goboleedyada ay maamulaanba laga dhigo kuwa aan macno lahayn.

Sidaas darteed su’aasha ku saabsan waxa laga yeelayo heshiisa Dhuusamareeb 3 ayaa ah loolanka ugu adag ee horyaalla furitaanka shirka, waxaana shirka guul ku billaaban doono ciddii ay jawaabta dhankeeda raacdo.