Wasiirka qorsheynta DF oo baabi’iyey xilka xoghayihii joogtada ee wasaaradaasi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa baabi’iyey jagada xoghayaha joogtada ee wasaaraddaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa oo ku taariikheysneyd 10-kii September.

Wasiir Jamaal oo xil kan u haya si KMG ah ayaa is-bedal ballaaran ku sameeyey waaxaha maamul ee wasaaradda qorsheynta Soomaaliya.

Cabdiqaadir Maxamed Aadan oo horey u ahaa xoghayihii joogtada ee wasaaradda ayaa waxaa haatan laga dhigay agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, kadib markii uu wasiirku meesha ka saaray jagadii uu hayey ee xoghayaha joogtada.

Sidoo kale qeybaha kale ee ay wasaaradda ka kooban tahay ayaa haatan wixii ka dambeeya yeelan dooo agaasime waaxeedyo, sida lagu sheegay warqadda.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in is-bedalka lagu sameeyey maamulka wasaaradda qorsheynta uu yahay dib u habeyn wax tar u leh howlaha wasaaradda.

Is-bedalladan ayaa ku soo aadaya, xilli xukuumadda hadda jirta shaqadeeda ay tahay xil gaarsiin oo kaliya, waxaana tallaabadan ay dad badan ‘u arkaan’ mid sharci darro ah.