Sawirro: Maxay Qoor Qoor iyo Deni ka wada-hadleen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay gudaha magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Puntland, Siciid Deni.

Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka 2020/2021-ka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Qoor Qoor iyo Deni ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan shirka wada-tashiga ee ka socda Muqdisho oo galay maalintiisii labaad.

Sidoo kale waxa ay isla qireen inay muhiim tahay in xal mideysan la gaaro, si ay dalka uga dhacdo doorasho la’isku raacsan yahay.

Labada hoggaamiye ee Galmudug iyo Puntland oo Muqdisho u jooga wada-hadallada u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa shirkooda ku soo qaaday iskaashiga ka dhexeeya labada maamul, maadaama ay daris wadaag yihiin.

Shirarkan gaar-gaarka ah ee madaxda maamul goboleedyada oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey caasimada ayaa ujeedkooda uu yahay, sidii is-faham looga gaari lahaa wada-hadallada ka socda Muqdisho ee looga hadlayo doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021.