Korneyl Falaalug oo weerar ku qaaday saldhig ciidanka Somaliland ay leeyihiin

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ee la magac baxday dib u xoreynta (SSC) ayaa weerar culus ku qaaday saldhiga ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin gobolka Sool.

Ciidamada Falaalug ayaa weerar ku qaaday saldhigaasi oo ku yaala deegaanka Xagarrey oo ka tirsan degmada Tukuraq ee gobolkaasi, kaasi oo ay ku suganaayen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Weerarkaasi ayaa waxa iska caabin xoog leh kala hortagay ciidamadii ku sugnaa saldhigaasi, taasi oo keentay in iska hor imaad saacado kooban ah uu dhexmaro ciidamada Somaliland iyo kuwa jabhada Falaalug.

Dagaalkaasi ayaa waxa ka dhashay khasaaro labada dhinac ah, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online, inkasta oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn xadigiisa.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumada Somaliland iyo laamaha amniga ee gobolka oo ku aadan dagaalkaasi.

Mana aha markii u horeysay ee Jabhadda la magac baxday dib u xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ay weerar ku qaadan saldhigyo ay leeyihiin ciidamad Somaliland, iyada oo marar hore oo dhowr ah ay sidan oo kale u weerareen.