Shirka Muqdisho oo maanta galay maalintii labaad iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii labaad.

Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa gaaray xarunta madaxtooyada oo ah meesha uu shirku ka dhacayo.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo guda geli doono ajendeyaasha shirka, maadaama kulankii shalay uu ahaa furitaan iyo qado.

Inta badan waxaa laga wada doodi doonaan heeshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, kaas oo aysan qeyb  ka aheyn madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Deni ayaa miiska soo saaray qodobada qaar oo ay diidan yihiin, kuwaas oo ay doonayaan in markale dib loogu laabto.

Waxaa sidoo kale xalay dhacay kulamo gaar gaar ah oo lagu gorfeeyey sida looga gudbi caqabadaha taagan, si xal mideysan looga gaaro doorashooyinka soo socda.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada ka soo baxda shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka oo saldhig u noqon doonto doorashada 2020/2021-ka