Sawirro: Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda Xasan iyo Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa hadda ka socda xarunta xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Kulankan waxaa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, kuwaas oo ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.

“Kulanka ayey mas’uuliyiintan uga arinsanayaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka, ayagoo diiradda ku saaraya xal u helida arimaha doorashooyinka ee 2020-2021” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee xisbiga UPD.

Muqdisho hadda waxaa ka socda shir u dhaxeeya dhamaan madaxda dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweyne Farmaajo, kaas oo looga arrinsanayo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho aan waqtigeeda dhaafin laguna wada qanacsanyahay.

Shirka madaxda uga socda Muqdisho ayaa galay maalintii labaad, waxaana la sheegay in qodobadii maanta miiska saarnaa ay u badnaayeen kuwii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb-3 oo ay ka maqnaayeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.