Qodobo Kheyre u diidaya in madaxweyne loo doorto

Muqdisho (Caasimada Online) – Murashax kasta oo hamigiisa yahay hoggaaminta dalka, waxaa khasab ah inaan dib u eegno diiwaankiisa siyaasadeed, haddiiba aan leenahay nasiibka aan horey ugu soo aragnay hogaamintiisa.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka mid ah murashaxiinta doonaya inuu xilka madaxweynaha qabto, waxa uu leeyahay diiwaan hogaamineed oo ay ku jiraan qodobo diidaya inuu usoo dhowaado albaabka laga galo Villa Somalia.

Kheyre waxa uu ka tirsanaa nidaam dalka ka gaystay tacaddiyo kala duwan, kamana tirsaneyn oo kaliya ee, wuxuu ahaa ninkii hoggaaminayey xukuumaddii dalka ee gaystay dhammaan xadgudubyada iyo tacaddiyada aan ka hadleyno, oo lagu bixiyey amarkiisa.

Dakaneyaasha Kheyre uu gaystay muddadii sadexda sano aheyd ee uu ahaa ra’iisul wasaaraha ayaa ah bar madow oo aan ka go’i doonin, waxayna ugu jiraan diiwaan iyo xusuus qor, mana ahan suurta-gal in lagu hilmaamo inuu is-moogeysiiyo. Xukuumadda Kheyre waxay  mas’uul ka aheyd:

1- Weerarkii lagu qaaday hoyga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliyey dhimasho askar jiiftay, dhaawac iyo burbur hanti, weerarkaas oo billow u noqday weeraro badan oo shacab iyo siyaasiyiin lagu beegsaday.

2- Dhiibistii muwaadin Qalbi-dhagax oo loo gacan geliyey xukuumadda Ethiopia iyo in Jabhadda xaq u dirirka ONLF oo xukuumaddii Kheyre u diiwaan-gelisay urur argagixiso, illaa haddana Kheyre aanu ka laaban kana bixin raali-gelin.

3- Shacabkii lagu xasuuqay Baydhaba markii lasoo qabanayey Mukhtaar Roobow, oo amarka xukuumaddiisa lagu fuliyey, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya illaa 20 muwaadin.

4- In madaxweyneyaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed loo diiday inay duulimaad ku tagaan Jowhar, laguna amray diyaaraddii sitay inaysan degi karin, tallaabadaasi oo halis gelin kartay naftooda.

5- Lacagtii laga xanibay Somaliland, oo xukuumaddiisa ay amartay, taasi oo dhowaan uu dib u fasaxay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

6- Dagaalkii lagu qaaday Ahlu-Sunna ee gobolada dhexe iyadoo la adeegsanaayo ciidamada qalabka sida ee loogu talagalay argagixisada Al-Shabaab, halkaasi oo shacab badan oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen.

Dhamaan qodobadaasi waxay diidayaan Xasan Cali Kheyre lagu aamino hoggaanka dalka, haddii ay dhacdana waxaa dhici kara xadgudubyo kuwaas aad uga badan. 

Ilaa weli ma jirto meel uu cudur daar iyo raali gelin uu ka siiyay shacabka Soomaaliyeed qaladaadkii taariikhiga ahaa ee uu galay marka laga reebo raali gelintii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, taasi oo aanu weli ka aqbalin.

Haddii shan sano Farmaajo lagu haystay loona mucaaradayey inuu tacaddiyo dalka ka gaystay, ma jirto sabab nin shirko kula ahaa tacaddiyadaas loogu beddelo. Farmaajo iyo Kheyre waa hal, isku siyaasad iyo isku aragti ah, mana jirto sabab loo kala doorto.

W/Q: Ali Muhiyaddiin

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.