Qodobo si hordhac ah looga heshiiyey shirka R/W Rooble iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale shirka ayaa billowday isaga oo uu ka maqan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo horey qeyb uga ahaa wada-hadalladii fashilmay ee magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Caasimadda Online ayaa ogaatay qodobo gaarayo illaa afar qodob oo si hordhac ah heshiis looga gaaray, si uu shirka usii socdo isla markaasna ay wadahadalada uga bilowdaan meeshii ay markii hore ku istaageyn.

Qodobada sida hordhaca ah looga heshiiyey waxaa kamid ah:

1- Guddiyada Doorashada: Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in uu kala diro guddiyada doorashada ee lagu muransan yahay, islamarkaana uu magacaabo guddi cusub oo lagu kalsoon yahay, loona wada dhan yahay

2- Gedo: Waxaa muuqata in uu jiro tanaasul ku aadan gobolkan, ayada maamulka Jubbaland lagu wareejinayo maamulka doorashada, ama meesha laga saaro, ayada doorashada laga dhigo hal magaalo maamul gobaleed kasta, taasi oo noqoneysa Kismaayo.

3- Arrinta Somaliland: In guddoomiye Cabdi xaashi iyo mas’uuliyiinta gobalada waqooyi ay go’aan ka soo gaaraan arrinta Somaliland loona madax banaaneeyo, taasi oo meesha ka saareysa saameyntii Villa Somalia.

4- Amniga doorashada: Arrinta kale ee si horu dhac ah xal loogu gaaray waxaa ka mid ah in Amniga doorashada ay la wareegaan Booliiska labada heer ee federaalka iyo mamaul goboleedyada, oo ay wehliso AMISOM.