26.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

“Qof ay Soomaalinimo ku jirto Xasan Sheikh mar kale ma dooran doono” Sidaas waxaa yiri…!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online)- Maamulka Ahlu sunna ayaa ka hadlay musharaxnimada madaxweyne Xasan Sheikh uu isku soo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya ee dhacaya bilooyin kadib ,sida qorshaha uu yahay.

Ahlu sunna ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheukh uu dib u dhacweyn geliyay dalka Soomaaliya afartii sano ee uu xilka hayay, islamarkaana markale ay suuro gal aheyn in dib loo doorto.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu sunna Cali Baashi oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in dib loo doorto Xasan Sheikh Maxamuud oo uu sheegay in dalka Soomaaliya uu u keenay dib u dhac weyn muddadadii uu xilka hayay.

“Waan Maqlay in Xasan Sheekh uu mar kale doonayo Qabashada Xilka Madaxweyne waxaan Hubaa in Qof Soomaalinimo ay ku jirto uusan Xasan Sheekh Mar kale dooraneyn ayuu sii raacsaday Hadalkiisa”.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Markii uu sheegay inuu yahay Musharax 2016,waxaa uu xusay in 6-dii Tiir ee hotay uu ula yimid inuu wax badan ka qabtay,haddana kuwo ka Muhiimsan uu la imaan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News