Qofkii 3-aad oo Somaliland ugu dhintay COVID-19 iyo kiisaska cudurka oo kordhay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa goordhoweyd oo maanta ah shaacisay Kiisas cusub oo Coronavirus ah, iyada oo ay korodhayna tirada dhimashada ee gudaha deegaanada Somaliland.

Somaliland ayaa waxa maanta laga helay 11-kiis oo cusub, kadib markii baaris lagu sameeyay 24-kii saac ee ugu dambeeyay dad gaadhaya 60-qof, sida ay shaacisay Wasaarada caafimaadka Somaliland.

Wasiirka caafimaadka Somaliland oo goordhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in 11-kaasi qof ee laga helay cudurkaasi ay ku kala nool yihiin Magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Burco iyo Yufle.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirku in ay maanta soo korodhay dhimashada hal qof, midaasi oo tirada guud ee dhimashada ee gudaha Somaliland ka dhigeysa 3-qof.

Somaliland ayaa iyadu bilowday baadhis maalinle ah kadib markii si rasmiya loo rikibay qalab dhowaan ay ugu deeqday Hay’adda WHO, kaasi oo ay Somaliland kaga maarantay baaristii ay dibada u diri jirtay, isla markaana mudada ka qaadan jirtay.

Tirada guud ee cudurkaasi ee gudaha Somaliland ayaa gaadhay 23-kiis, halka ay maanta dhimashadu ay gaadhay 3-qof.

Cudurka Coronaha ayaa si weyn ugu sii fidaya gudaha Somaliland, iyada oo ay u muuqato in tirada ay Wasaaradu soo bandhigtay mid ka badan ay jirto, maadama ay bilow tahay baarista maalinlaha ah ee ay bilowday wasaaraddu.