Somaliland oo wajaheysa khatar hor leh oo si weyn looga deyrinayo (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay wajaheysa khatar hor leh oo ku aadan faafitaanka cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kaasi oo si weyn ugu faafay qaar kamid ah deegaanadeeda, iyada oo ay gudaha Somaliland cudurkaasi ugu geeriyoodeen labo qof.

Xukuumada Somaliland ayaa lagu eedeyaa in weli dagaalka Covid-19 uu ku jiro gaabis, inkasta oo ay wado dadaalo ay uga hortageyso faafitaanka cudurkaasi oo ku fiday deegaano hor leh.

Xaalada Coronaha ee gudaha Somaliland ayaa si weyn looga deyrinayaa maadama aysan laheyn tayo caafimaad, iyada oo uu dhowr jeer oo horena uu si cad u sheegay Madaxweynaha Somaliland in taagtooda caafimaad ay liidato.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa hore u sheegay in tabartooda ku aadan dagaalka Covid-19 ay iska yartahay, xili ay u maaro waayeen dalal quwad iyo dhaqaale-ba ka horeeya Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Somaliland ayaa wajaheysa halistaasi ku aadan cudurkaasi, iyada oo la rumeysan yahay in xukuumaduna aysan weli soo saarin go’aamo si adag uga hortagaya faafitaanka cudurkaasi, maadama ay weli furan yihiin goobaha ay iskugu yimaadan dadweynuhu.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa dhawaan ku dhawaaqday go’aan u muuqday in uu wax ka tari doono faafitaanka cudurka oo ahaa joojinta Qaadka, walow ay ku fashilantay in deegaanadeeda si rasmiya uga joojiso qaadkaasi, iyada oo sidii caadiga ahaana loogu kala iibsado suuqyada magaalooyinka.

Dadweynaha ku nool Somaliland ayaa wadnaha farta ku haya, maadama aysan haysan adeeg caafimaad oo tayo leh iyo xukuumad u babac dhigi karta dagaalka Coronavirus, xili ay ku mashquulsantahay dagaalada ka dhanka ah mucaaridka iyo dhaliilaha loo jeediyo.