Qofkiiba $100: Imaaraadka oo lacag ku bixinaya olole ka dhan ah Qatar oo cajiiba

New York (Caasimada Online) – Dibad baxayaal BEEN abuur ah oo ka dhan ah dalka Qadar ayaa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobe ee New York.

Dibad baxahaas, oo la rumeysan yahay inay Imaaraadka Carabta abaabuleen, waxaa shaqsigii lagu siiyey boqo dollar iyada oo ujeedku ahaa in dalkaas lagu kiciyo ol’ole ka dhan ah.

Mudaharaadkaas BEEN abuurka ah waxaa fashiliyey dibad baxe qeybka ahaa. Dibad baxahaas waxa uu majaladda The Independent u sheegay in uu arkay qoraal Facebook laga so dhigay akoon uu ka shakiyey oo ugu baaqayey dadka dagan Brooklyn, ooka tirsan New York, in ay soo qaataan calamo oo ay si nabadeed xarunta UN-ta ugu mudaharaadaan.

Haweeneyda ayaa intaas ugu dartay majaladda Ingiriiska laga leeyahay in markii hore baaqa dibad baxa aan lagu soo darin magaca Qadar, balse markii ay timid ay ogaataan in si cad a muuqatay in looga soo horjeedo wadanka gacanka ku yaal.

Dibad baxayaasha sida ay sheegtay waxaa ku jiray dad ku hadlayey afka French-ga iyada oo xaqiijisay in la siiyey $100 midkiiba, loona dhiibay boorar ka dhan ah Qadar.

Haweeneyda oo aan magaceeda la sheegin ayaa sheegtay in ay 40 qof ahaaeen balse markii ay yimaadeen xarunta UN-ta ay ku soo biireen 40 kale oo wata boorarka ka dhan ah Qadar.

Waxa ay haweeneyda la wadaagtay The Independent farriin uu soo diray qof u muuqday abaabulaha oo ahayd gabadh magaceedu yahay Nezha Tagmouti.

“Waxaan qaban qaabinayaa dhacdo lagu taageerayo nabadda dunida,” ayey qortay Tagmouti. “Waxaa jiri doona heeso, khudbado nabadda ah oo lagu qaban doono United Nations-ka hortiisa.

“Waxaan u baahanahayey dad dheeri ah oo dhageysta khudbadaha, u sacbiya oo haysta dhammaan calamada aduunka. Kuwan dheeriga ah waxaa la siin doonaa $100 midkiiba.”

Diblomaasi Qadar u dhashay ayaa  u sheegay The Independent: “Qadar wali waxaa ku socda ol’ole beegsi ah oo lagu waxyeeleynayo sumcadeeda si looga qaado xuquuqdeeda martigalinta Kooba Aduunka ee 2022.”

Haweeneyda abaabushay dibad baxan ayaa sidoo kale la aaminsan yahay in ay ka dambeeysay isla bannaan bixii looga soo horjeeday Qadar ee ka dhacay xarunta baarlamaanka Britain.

Qadar waxa ay is hayyaan wadamada Khaliijka oo ay horboodeyso Sucuudi Careebiya waxa ayna cilaaqaadka kala goosteen 2017.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com