Qoor-Qoor oo ku dhawaaqay qorshe xasaasi ah oo uu rabo inuu ka fuliyo GALMUDUG

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor-Qoor ) oo ku sugan Gaalkacyo ayaa shaaciyey in maamulkiisa uu hub ka dhigis ku sameyn doono maleeshiyaadka ku sugan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Qoor-Qoor ayaa sheegay inay la wareegi doonaan hubka ku jira gacmaha gooni-goonida ah, si loo xasiliyo amniga deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay Qarameyn maleeshiyaadka hubeysan, kuna biirin doonaan ciidamada daraawiishta iyo kuwa booliska ee maamulkaasi.

“Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira oo aan awooda Mideyneyno , awoodaasi iyo Hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada.” ayuu yiri Qoor-Qoor.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu dadaallo xoogan ka waday Mudug, isagoo lagu wareejiyey maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi.

Arrintaan ayaa haddii ay Galmudug sii wado, islamarkaana ay dhaqan-geliso waxa ay soo afjareysaa colaadaha ka jira gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.