Qoor Qoor oo maanta soo gaaray Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Turkiga.

Qoor Qoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in Qoor Qoor oo ku biiri kulamo siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ee doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya inuu shirar gaar ah la qaaday doonto madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadli doono xaaladda dalka.

Galmudug ayaa ka mid ah maamullada taabacsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya marka la eego hanaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021-ka

Si kastaba socdaalka Qoor Qoor ee Muqdisho ayaa kusoo aadayao, xilli ay Caasimada ay ku sugan yihiin madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland & HirShabelle, islamarkaana la filayo inuu furmo shirka wadatashiga doorashooyinka oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni.