Sarkaal madaxweynihii hore ee Soomaaliya la dhashay oo qarax lala beegsaday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore qarax nooca miinada ah uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay ka soo baxayaan faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay sarkaal ka tirsan laanta dambi baarista Puntland ee CID-da.

Sarkaalka qaraxa lala eegtay ayaa lagu magacaabaa Warsame Yuusuf Axmed (Yeey), kaas oo la dhashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Warsame Yeey qaraxa lala beegsaday, xilli uu marayey bartamaha waqooyiga Gaalkacyo, inkastoo uu ka bad-baaday weerarkaasi.

Sidoo kale waxa uu burbur xoogan soo gaaray gaarigiisa, iyada oo ay sidoo kale goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Puntland oo ku aadan qaraxaasi miino.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada Puntland ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo weeraro oo uu ugu dambeeyey kii lagu qaaday xabsiga Boosaaso.