Qoor Qoor oo magacaabay xubnaha GALMUDUG ku matalaya guddiga farsamo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magacaabay xubnaha maamulkiisa ku matali doona guddiga farsamo ee ka kala socda dowladda federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah, ee kasoo talo-bixinaya hannaanka doorashooyinka dalka.

Xubnaha Galmudug matali doona ee uu magacaabay Qoor Qoor ayaa kala ah, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) iyo Kamaal Daahir Xasan Guutaale.

Horey waxaa sidoo kale xubnaha matli doona usoo magacaabay, Puntland, Jubaland, HirShabelle, dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Dowladda federaalka ayaa waxaa bedeli doona: Salaax Axmed Jaamac, wasiirka dastuurka, Cabdi Cali Raage oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha, Caadil Sheegow Sagaar oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, iyo Cabdirahman Mucawiye Sheekh lbraahim, oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa matali doona Sahra Cali Xassan (Daatush), iyo 2 – Cabdulqaadir Muxiyadiin Axmed (Dalxa).

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa magacaabay in maamulkiisa ay guddigaas ku matalaan: Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, iyo Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna magacaabay in Jubaland ay guddigaas ku matalaan: Xirsi Jaamac Gaanni, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, iyo Xamze Cabdi Barre, Gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.

Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay inay guddigaas ku matalaan: Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowldaha Hoose, iyo Cabdul Maxamed Faarax Makaraan, Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda HirShabelele.