Ururada bulshada rayidka oo ka horyimid magacaabis ay sameeyeen G/Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay ururada bulshada rayidka ah ayaa waxaa looga hadlay magacaabidii Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batrolka oo ay sameeyeen Golaha Wasiirada ee u sii shaqeynaya sida KMG ah.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay sharci darro tahay magacaabida Golahaasi, iyada xukuumadda Soomaaliya ee kalsoonida lagala noqday loogu baaqay inay ilaaliso sharuucda u taalla dalka..

Ururada bulshada rayidka ah ayaa tilmaamay in xukumaadda oo si KMG ah u shaqeyneyso aysan sameyn karin magacaabid, loona baahan yahay inay u daayaan xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono.

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxa ay xusuusineysaa Hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta in ay ilaaliyaan ku dhaqanka Sharciga, wixii magacaabis ahna loo daayo xukuumadda cusub ee la sugayo.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalka ayaa la sii raaciyey Golaha Adeegga Garsoorka waxa uu lafdhabar u yahay Garsoorka Dalka, iyada oo waajidbaadyadiisa ay kamid yihiin talo-bixinta shuruucda garsoorka iyo soo jeedinta Magacaabista anshax marinta iyo Badalaadda xubnha garsoorka federaalka dalka. Haddii xubnahaan lagu magacaabo sifo aan sharci ahayn waxa aan suuragal ahayn in uu haqabtiro baahida cadaaladda ee dadka Soomaaliyeed qabaan.”

Si kastaba ha’ahaatee ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa horey uga horyimid magacaabida Golaha Adeegga Garsoorka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Somalia.