Puntland: 10 urur siyaasad oo buuxiyey shuruudaha

Garoowe ( Caasimadda Online) – Guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland, ayaa Maanta oo Sabti ah si rasmi ah u dhammaystiray Hannaankii Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Hannaanka Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland oo soo bilowday 15-kii December 2019, waxa uu soo maray saddex wareeg oo kala duwan, kuwaas oo dhammaantood Maanta la soo dhammaystiray.

Waxaa ka mid ah Urur Siyaasadeed ay hoggaamin doonaan Madaxda tallada heysa ee Puntland.

10-ka Urur-siyaasadeed waxay kala yihiin; Mideeye, Kaah, Mustaqbal, Dhalinyarada, Run & Caddaalad, Ifiye, Shaqaalaha, Horseed, Himilo iyo Caddaalad & Sinnaan.

Ururada soo baxay, waxay ka qayb-geli doonaan Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland, waxaana saddexda urur ee ugu codod badan ay noqon doonaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmiya.