QOOR QOOR oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee ku harsan Galmudug

Dhuusomareeb (Caasmada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay soo saaray liiska musharaxiinta labada kursi ee Aqalka Sare ee ku harsan maamulkiisa.

Qoor Qoor ayaa musharaxiinta labadaas kursi isugu aadiyey sida: 1-  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cawil Nuur Cali, 2- Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Qoor Qoor ayaa sida muuqata liiska aan kusoo darin madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo sheegay inuu musharax u yahay kursiga u uku fadhiyo Qeybdiid, kana digay inaan liiska lagu soo darin.

Xaaf ayaa laga hayaa erey can baxay oo uu ku yiri “qiyaamaha ayaa dhici doona, haddii aan la igu soo darin liiska,” wuxuuna sheegay in dagaal beeleed uu ka dhici karo Galmudug.

Ma cadda illaa hadda in Xaaf looga tagay si ula kac ah, ama inuu jiro heshiis hoose oo arrintan laga gaaray.

Waxaa jira warar sheegaya in Xaaf isku sharxi rabo kursiga Axmed Macallin Fiqi oo ay isku jufo hoose yihiin, taasi oo qeyb ka ah dagaalka maalmahan u dhaxeeya Fiqi iyo Qoor Qoor. Xogta rasmi ah ayaa laga kala ogaan doonaa saacadaha soo socda maadaama uu liiska hadda un soo baxay.

Kursiga labaad ee uu Qoor Qoor soo saaray musharaxiintooda ayaa waxaa leh beesha madaxweyne Farmaajo, waxaana horey ugu fadhiyey Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, oo isna laga tegay.

Sida looga tegay Goonjeex ayaa Iyana weli laga hayn faah-faahin maadaama liiska hadda soo dhacay, waxaana xogta labada kursi idinla wadaagi doonaa saacadaha soo socda, haddii eebe idmo.