Saxafi 13 sano kadib fariin kasoo gudbiyay burcad ku afduubatay SOOMAALIYA

Saxafiga lagu magacaabo Colin Freeman, oo 52 jir ah, ayaa 13 sano kadib ka sheekeeyey dhibaato fool xun oo  uu kala kulmay burcad barcad badeed Soomaaliyeed xili uu baarayay dhibaatada iyo halista burcad baddeeda sanadkii 2008-dii, xiligaasi oo Soomaaliya lagu afduubtay markabka ‘Sirius Star’ oo shidaalka qaada ee Sacuudiga.

Colin Freeman, ayaa u afduubnaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida muddo lix todobaad ah wuxuuna daaha ka qaaday in kooxihii afduubtay ay doonayeen inay kula xiriiraan shirkaddi uu ka tirsanaa email ahaan.

Colin Freeman, oo 52 jir ah, ayaa madax furasho lagu sii daayay lix toddobaad oo argagax leh kadib sanadkii 2008-dii.

Colin ayaa loo diray in uu baaritaan ku sameeyo oo uu ka shaqeeyo magaalada Boosaaso, waxaana afduubkiisa ka dambeeyey dadkii uu lacagta siiyay si ay u ilaaliyaan maadaama ay ahaayeen burcad badeed iska dhigaya ilaalo sida ay daabacday warbaahinta MyLondon.

Colin oo ah wariye khibrad u leh in uu ka shaqeeyo goobo halis ah ayaa sheegay in ay ahayd maalintii u dambaysay ee safarkiisa markii ilaalo ku hubaysnaa qoryaha  Kalashnikovs, kuna amreen isaga iyo saaxiibkiis sawir qaade José Cendon in ay gaariga ka soo degaan. Hase ahaatee markii uu damcay in uu la xiriiro xafiiskiisa uu sheegay in madaxa looga dhuftay qori xabadi ay raacsaneyd.

Colin oo sharaxayay qaabkii loo afduubtay ayaa sheegay in lagu amray in ay ka soo degaan gaariga xili ay isku arkeen qolada hageysa buur hoosteeda ka hor inta aan maalmo badan aysan lugayn afduubashadiisa kadib.

Laba maalmood kadib oo socod dheer ah kadib Colin iyo Saaxiibkiis Jose waxaa lagu wareejiyay nin magaciisa lagu sheegay Yusuf, waxaana  Colin lagu qasbay inuu taleefoon u diro UK isagoo qori madaxa looga haayo iyadoo burcadbadeeddu ay dalbadeen lacag dhan 3-milyan oo doollar in midkiibalaga doonayo si loo sii daayo labadan qof, waxaana si toos ah loola xiriiriyay xafiiska wargeyska The Telegraph ee London.

Si kastaba, ha ahaatee, markii dalabaadka la fulin waayay, Colin wuxuu sheegay inuu u baqay naftiisa iyo inay cabsi gelinta sii kororto.

Waxa uu yiri: “Waxa ay ahayd wax iska cad wixii markaa ka dambeeyay, in haddii arrimuhu sidii la rabay u socon waayaan, xaaladu in noqon doonto mid kasii darto markii lasoo wacay talleefanka oo xaaladu sidii la rabay noqon weyday markii aan u maleynayay inay bilaabayaan inay na jirdilaan iyo wax la mid ah, nasiib wanaag ma aysan samayn.

Ugu danbeyntii waxaa loo sheegay in la sii deyn doono balse qorshaha ayaa isbedelay kadib muran dhexdooda  ah oo dhex maray kooxda afduubka geysatay, balse xal laga gaaray.

Colin waxa uu sheegay in kooxda aduubka ku haysatay ay si fiican u quudin jirtay intii la hayay, iyagoo cuni jiray hilib ari duban oo  bariis iyo baasto la raaciyay, sidoo kale, Shaah Soomaali sonkortiisa lix qaando “Malqacad” la siin jiray aadna ugu heleen.

Colin waxa uu sheegay in afduubayaashu aysan ku hadli kareyn Ingiriisi badan, laakiin ay awoodeen inay ku wada xiriiraan  Ingiriisi dirsi ah iyo Carabi aan badneyn”maadaama Colin uu ku hadli karo xoogaa luqaddo kala duwan.

Mid ka mid ah aduubayaasha ayaa u sheegay Colin in Britain, uu ka taageero kooxda Arsenal ee uu ka tirsanaa Thierry Henry xiligaasi.

Colin ayaa si yaab leh u sheegay in mid ka mid ah budhcad-badeedda uu xataa u soo bandhigay in jecel yahay inuu kula xiriirho email ahaan marka uu wadankiisa ku laabto.

Ugu danbeyntii Colin ayaa sheegay inta badan aysan sameyn dhacdadaasi foosha xun ayna jiraan dad badan oo walaac ka qaba arrimahaasi sumcad xumida ah halka buu yiri ay jiraan dhalinyaro yar oo burcad badeednimada ay ka heleen in afduubku yahay habka keliya ee lagu gaari karo nolosha.”

Qisadaan ayaa buug logu magac daray shaydaanka iyo badda buluuga ah: Hawlgalka badbaadinta la haystayaasha dunidu illowday. kaasoo wax badan lagaga hadlay wanaag iyo xumaanba dunida ku faafay.

Waxaa turjumay: Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online