Wararkii ugu dambeeyey ee muranka diyaaradihii drone-ka ee lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Garsoor ee uu guddoomiyaha ka yahay Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray diyaaradihii Dron-ka ahaa ee lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xisbiga ayaa lagu caddeeyey in nooca diyaaradaha ee Shirkadda Hufan ay dalka keentay ay noocoodu ahaayeen DJI P4 Multispectral RTK Drone.

Shaqada loogu talagalay in lagu qabto Diyaaradahaan ayaa lagu sheegay inay tahay buufinta cayayaanka beeraha, Sahminta dhul beereedyada, Lasocodka xaaladda dalagga iyo Waraabinta beeraha.

“Xisbiga Garsoor wuxuu caddeynayaa in Danaha laga leeyahay la-wareegidda iyo xoog ku qabsashada hantidaas ay leedahay shirkadda Hufan ay ka danbeeyaan dano siyaasadeed oo looga gol leeyahay in musharax Madaxweyne Dr. Zakariye Mohamud Haji Abdi oo ah musharraxa kaliya ee ugu rajada fiican xilka Madaxweyninmo ee dalka lagu dhaawaco hankiisa siyaasadeed sidoo kale, waxaa jira cadow shisheeye oo ay ugu horreeyaan kooxda TPLF ee gabalkoodu dhacay iyo xukuumadda Kenya oo dabada ka riixaya si mansabka iyo magaca musharrax madaxweyne Dr. Zakariye Maxamud Xaji Cabdi loo baabi’iyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xisbiga.

“Waxaa illaah mahadii ah in shacbiga Soomaaliyeed ay ka dharagsanyihiin falalka gurracan ee xukuumaddi afartii sano ee lasoo dhaafay dalka hogaamineysay kula kacdey siyaasiintii hore, kuwi harayna ay maanta kusoo khatintay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka iyo baaqa kasoo baxay xisbiga

BAAQ FURAN:

Xisbiga Garsoor wuxuu ugu baaqayaa shacbiga soomaaliyeed inaan marna la aqbalin in dadka haldoorka ah ee danahooda siyaasadeed ka shaqeynaya kana hor taagan wadamada iyo kooxaha shisheeye ee caadeystay guumeysiga iyo gumaadka shacbiga soomaaliyeed aan hortooda lagu magac dilin taasna ay si wadajir ah uga hor yimaadaan ugana dhiidhiyaan.

Xisbiga Garsoor wuxuu ugu baaqayaa shaqsiyaadka beryahan u durbaan tumayay soo noolaanshaha TPLF inay ka waantoobaan lashaqeynta cadowga soomaaliyeed taas badalkeedana aysan magac dilin Haldoorradooda geesiyada ah.

Xisbiga Garsoor wuxuu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ugu baaqayaa in si degdeg ah uu ugu soo celiyo gacanta shirkadda Hufan hantidii ay xukuumaddiisu si aan sharciga waafaqsaneyn ula wareegtay dhawaantan.

Xisbiga Garsoor wuxuu ugu baaqayaaa taageerayaasha xisbiga Garsoor iyo Taageerayaasha Musharraxa madaxweyne Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi inay iska kaashadaan inay ka hortagaan been abuurka baraha bulshada ay ku faafinayaan kooxo caadadoodu ay ahayd afarti sano ee ina dhaaftay sumacad dilka iyo aflagaadeynta Madaxda ay u arkaan inay ka maskax iyo taageerro sarreeyaan kuwa talada markaas haya.

Ugu danbeyn, Waxaan ku kalsoonnahay in sida sharciga waafaqsan ay kusoo idlaan doonto xaaladda ay abuurtay xukuumaddan islamarkaana ay cadaalad heli doonto Shirkadda Hufan oo qalabkeedii si sharci darro ah ay u afduubatay Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wabillaaaahi Towfiiq