Goorma ayey dhaceysaa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku haray Galmudug?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada labada kursi ee ka harsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maanta ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta, isla-markaana ay beri ku eg-tahay.

Sidoo kale guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in hadal jeedinta iyo doorashada ay dhici doonto 13-ka bishan November oo ku beegan Sabtida soo socota.

Jadwalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xalay Qoor Qoor uu soo saaray liiska afar musharrax u tartamaya labada kursi ee haatan ku harsan dowlad goboleedka Galmudug.

Labadan kursi ayaa waxaa ku tartamaya  1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Cawil Nuur Cali, 2. Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Qabashada doorashada labadan kursi ayaa sidoo kale dhammeystir u noqon doonto doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa haatan la guda-galay oo billow ah doorashada Golaha Shacabka oo aad uga culus mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaankii soo dooran doono illaa 101 ergo ah.