Gudoomiyaha Wadajir oo ka hadlay weerarkii shalay lagu dili rabay Ciise Sharaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Bashiir Maxamed Cali  oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay falkii shalay lagu rasaaseeyey Ciise Sharaawe Cabdi oo ah guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee Wadajir, kaas oo lagu weeraray degmadaasi.

Bashiir Maxamed Cali ayaa marka shaaca ka qaaday inuu ka xun-yahay falkaas oo ahaa ‘isku day dil’ oo la doonayey in lagu khaarijiyo guddoomiye ku xigeenkiisa siyaasadda.

“Annaga ka maamul ahaa waan ka xunahay falkii halkaasi ka dhacay, sababtoo ah annaga oo waajibaadkeena shaqo gudaneyno oo Ummadda u shaqeyneyno waa waxa dhibaatada soo gaartay waa maamulka, haddii boolis yahay ama maamulka mid ayaan ka nahay dhibaatadii shalay halkaasi ka dhacday,” ayuu yiri guddoomiye Bashiir Maxamed Cali

Sidoo kale wuxuu si adag isaga fogeeyey eedeyntii uu guddoomiye ku xigeenka la weeraray u jeediyey maamulka degmada Wadajir, wuxuuna yiri “Ma aqbaleyno in la eedeeyo maamulka oo la yiraahdo waa ka dambeeyey, sababtoo ah maamulka wax uu shaqo ku leeyahay  falkii shalay dhacay ma jirto,”.

Guddoomiyaha degmada Wadajir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Ciise Sharaawe ay tahay inuu caddeeyo dadka uu tuhmaayo ee ku jira maamulka, si baaris loogu sameeyo.

“Waxaan rabaa haddii guddoomiye ku xigeenku ka tabanaayo dad ka mid ah maamulka ha caddeeyo, si ay laamaha amniga u baaraan” ayuu markale yiri guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn Bashiir Maxamed Cali ayaa ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir inuu arrintan soo fara-geliyo, isla-markaana u saaro guddi gaar ah oo xaqiiqo raadin ah.

“Markale waxaan leeyahay maamulka gobolka Banaadir waxaan ka rajeyneynaa inuu noo soo diro guddi xaqiiqo raadin ah,” ayuu Bashiir ku soo gaba-gabeeyey shirkiisa.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay guddoomiye ku xigeenka siyaasadda maamulka degmada Wadajir uu shaaciyey in xubno ay is kala tirsan yihiin maamulka ay weerar ku qaadeen, kaasi oo uu sheegay inuu ahaa ‘isku day dil’ oo uu ka bad-baaday.