Deni oo digniin culus kasoo saaray shir ay DF uga qeyb-galeyso Dubai + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray diginin ku aadan in dowladda federaalka Soomaaliya ay heshiisyo kusoo gasho shirka shidaalka Afrika ee ka socda magaalada Dubai, oo lasoo geba-gebeyn doono maalinta Khamiista.

Shirkaaas oo ay kasoo qayb-galeen dalal badan, oo Soomaaliya ay ka mid tahay, ayaa lagu soo bandhigayaa shidaalka dabiiciga ah ee dalalka Afrika.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri Africa “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyadoo ka duulaysa mowqifkeeda hore ee 9th – January iyo 11- February 2020, waxay cadaynaysaa in aysan qayb ka ahayn fulinta Sharciga Shidaalka ee la saxiixay 8th February 2020, maadaama uusan wafaqsanayn Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Federaalka iyo hannaanka qaybsiga khayraadka dalka oo aan wali lagu heshiin.”

“Dowladda Puntland waxa ay ka digaysaa in Dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday ay xilligan gasho heshiisyo aan waafaqsanayn sharciga ee lagu xaraashayo khayraadka wadanka, kaas oo ay ka dhalan karto xasilooni daro,” ayaa lagu yiri qoraalka

“Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay uga digaysaa Shirkadaha Caalamiga ah in aysan heshiis sharci-daro ah la gelin Dowladda wakhtigeedu dhammaaday.”

Shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee 31-kii October ayaa lagu ansixiyey guddoonka hay’adda batroolka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Cabdulqaadir Aadan Maxamuud.

Ansixintaas ayaa timid toddobaad kahor shirka Dubai, waxaana ka dhashay deg degtaas shaki ku saabsan in dowladdu qorsheyneyso heshiisyo ka gaarsiin ah, oo laga cabsi qabo in shirkado shisheeye lacago looga qaato kahor inta aanay iman xukuumad cusub.