Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug xoreynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee maanta soo galay gacanta ciidanka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ee soo hooyay guusha taariikhiga ah.
Madaxweynaha ayaa yiri “Xoreynta Ceelbuur iyo deegaannada kale, waxey ka dhigantahay gaaridda Galmudug ka caaggan argagixisada diiddan nolosha aadanaha iyo horumarka.”
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan xoogga saareynaa gaarsiinta adeegyada bulsho oo ay dhiig miiratadu ka hortaagneyd dadweynaha muddo dheer.”
Madaxweynaha Galmudug ayaa balan qaaday inay si deg deg ah ula soo gaarayaa dadweynaha adeegyada aasaasiga u ah noloshada aadanaha.
“Galmudug waxay ugu baaqeysaa hey’adaha gargaarka, saaxiibbad caalamiga ah in ay u hawlgalaan gaarsiinta adeegyada bulshada,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.
Madaxweynaha Galmudug ayaa dadweynaha ku nool deegaanada laga eryay Khawaarijta la wadaagay hambalyo guud, wuxuuna ciidamada geesiyada ah ku ammaanay in ay dadweynaha reynreynta iyo naacawda xorriyada u horseedeen.
“Xoreynta dhulkii ku jiray gacanta cadowga waxay muujineysaa wanaagga dowladnimada. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dadweynaha iney ka qayb qaataan dhammeystirka aragagixisada, islamarkaana soo dhaweeyaan ciidamadda geesiyaasha iyo hay’adaha Dowladda,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.
Hadalka Madaxweynaha Galmudug wuxuu ku soo aadayaa xili galabta ay ciidamadu Al-Shabaab ka xoreeyeen degmada Ceelbuur, halkaas oo hadda ay ka socdaan howlgallo miino baaris ah.