Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradda Gaadhaandhigga Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgalkii galabta lagu xoreeyey degmada Ceelbuur, kaas oo weli socda.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanku ay gudaha u galeen magaalada, halkaas oo howlgallo amni xaqiijin ah ay ka wadaan.
“Ceelbuur waxay aheyd goobta ugu weyn ee Galmudug iyo Hirshabeelle ay Khawaarijtu ka joogtay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda difaaca qaranka.
Sidoo kale wasaaradda ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonto markii lasoo gabagabeeyo howlgalka ka socda Ceelbuur.
Ciidamada qaranka ayaa galabta xaqiijiyey gacan ku heyta degmada Ceelbuur iyagoo aan la kulmin wax dagaal ah.
Kooxda Al-Shabaab oo abaabul dagaal maalmahaan ka waday Ceelbuur uma suurta gelin inay difaacato magaaladaan, waxaana galabta la galay magaalada oo cidlo ah.
Shacabkii iyo Shabaabkii joogay Ceelbuur ayaa isaga cararay magaalada markii ay ku soo dhawaadeen ciidamada qaranka oo ka yimid dhanka degmada Galcad.
Howlgallo miino baaris ah ayaa ka socda gudaha magaalada, sida caadiga ah Al-Shabaab waxay miinooyin ku aasaan deegaanada ay joogaan markii ay ka baxayaan, si ay ugu dhibaateeyaan shacabka iyo ciidanka qabsa doona deegaanka.