Sawirro: NISA oo soo afjartay maxkamadihii Jambaluul soona bandhigtay mootooyin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka NISA ayaa howlgal qorsheysan maanta ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa howlgalkaas ku burburiyey Maxkamad Beenaadkii Khawaarijta ee deegaankaas iyo goob ay lacagaha baadda ah uga qaadayeen shacabka.

Sidoo kale 5 Mooto FEKON ayaa howlgalka Jambaluul looga furtay kooxda Al-Shabaab, sida ay tebisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa aad u baacsanaya kooxda Al-Shabaab, waxaana socda howlgallo kala duwan oo socda gobollada Shabeelooyinka, Galgaduud iyo Mudug.

Dhinaca kale, ciidamada qaranka ayaa galabta xaqiijiyey gacan ku heyta degmada Ceelbuur, iyagoo aan la kulmin wax dagaal ah.

Kooxda Al-Shabaab oo abaabul dagaal maalmahaan ka waday Ceelbuur uma suurta gelin inay difaacato magaaladaan, waxaana galabta la galay magaalada oo cidlo ah.

Wasaaradda Gaadhaandhigga Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgalkii galabta lagu xoreeyey degmada Ceelbuur, kaas oo weli socda.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanku ay gudaha u galeen magaalada, halkaas oo howlgallo amni xaqiijin ah ay ka wadaan.

“Ceelbuur waxay aheyd goobta ugu weyn ee Galmudug iyo Hirshabeelle ay Khawaarijtu ka joogtay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda difaaca qaranka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonto markii lasoo gabagabeeyo howlgalka ka socda Ceelbuur.