DF oo soo faro-gelisay $430 oo baasaboorka looga qaado Soomaalida Mareykanka

Minneapolis (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan cabasho ka soo gaartay Soomaalida ku nool Mareykanka.

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka markii ay u baahdaan baasaboorka Soomaaliga ah waxaa lagu siiyaa qiime aad u sareeya oo ka badan $400.

Wasiir ku xigeenka oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in arrintaas ay si deg deg ah wax uga qaba doonaan, isagoo cadeeyey in wasaaraddu aysan waxaba ka ogeyn qiimahaan badan.

“Arrinta baasaboorka cabashada laga qabo waa nagu badatay, safaarada waxaan halkaan uga furnay in Soomaalida halkaan ku nool loo fududeeyo adeegooda, wax dhaqaale ah in laga sameeyana ma dooneyno,” ayuu yiri.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wareysigaan ku sheegay in markii loo sheegay qiimaha Soomaalida ku nool Mareykanka lagu siiyo baasaboorka ay aad ula yaabeen.

“In baasaboorka lagu bixiyo lacag ka badan $400 la yaab ayey nagu noqotay, waana daba geli doonaa sida ay ku dhacday, hada safiirkii ayaa ka maqan xafiiska, laakiin waa muhiim in arrintaan aan wax ka weydiino,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Isaaq Maxamuud Mursal.

Sidoo kale wasiirkaan wuxuu sheegay in qiimaha lagu bixiyo adeega bulshada ay safaaradu jaan goyso, balse qiimahaan badan aysan waxaba ka ogeyn.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inay deg deg u fulinayaan balan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa in la furayo qunsuliyadii safaaradda Mareykanka ee magaalada Minneapolis.

“Waxaan rabnaa inaan furno qunsuliyadii safaaradda ee magaalada Minneapolis, waxaana hadda socda qorshaha lagu furayo qunsuliyadda oo weli ma aanaan dooran halkii laga furi lahaa, laakiin waxaan heysanaa dhowr goobood oo qunsuliyada laga dhisi karo waana kala dooraneynaa,” ayuu yiri wasiir Isaaq Maxamuud Mursal.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay wax ka qaba doonaan cabasho ka timid Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, taas oo ku saabsan qiimaha baasaboorka iyo wax kasta oo cabasho ah oo loo soo gudbiyo inta ay joogaan Mareykanka.