Qoor Qoor oo xog cusub ka bixiyey xiriirka kala dhaxeeya DF iyo arrin la hadal hayey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, oo wareysi siiyey Idaacadda BBC, ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama la rumeysan yahay inay Dowladda ay ka dambeysay inuu kursigaas ku fadhiisto.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay inay waajib tahay inuu la shaqeeyo Dowladda Dhexe ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Inaan dowladda dhexe isu dhawnahay aad bay sax u tahay, dowladda dhexe kali ah ma aha ee dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowlada dhexe waan isku wada dhawnahay,” ayuu yiri madaxwaynaha Galmudug.

Hadalka Qoor Qoor ayaa yimid ayada oo maalmihii dhowaa ay soo baxeen warar sheegaya inuu diiday go’aan ka dhan ah dowladda oo madax goboleedyada ay soo saari lahaayeen.

Qoor Qoor ayaa madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ugu baaqay inay ka shaqeeyaan danta shacabka.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa dhinaca kale ka hadlay arrimaha doorashada dalka waxaana uu sheegay in doorashada ay tahay in ay ka tashadaan dhammaan dhinacyada ay quseyso.

“Doorashada waxaa jira golayaal sharci dajin, waxaa jira dowlad goboleedyadii, waxa jira madaxdii qaranka, waxaan is leeyahay iyada oo la raacayo shuruucda dalka u dagsan iyo wixii la dhaafi waayo ayaa xal laga gaari doonaa, ” ayuu yiri.

Qoor-Qoor ayaa xusay in dhawaan ay si fool ka fool isku soo hor fariisan doonaan madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ee dalka.

Dhanka kale mudane Qoor Qoor ayaa sheegay in dadka reer Galmudug ay la daaladhacayaan dhibaatooyin bini’aadanimo oo dhan walba.

“Waxay qabaan Shacabka Galmudugbaahiyo waliba kuwa noolasha bina’aadamka aysan ka maarmi Karin ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarshada iyo amniga, baahiyahaas ayaa ugu wayn waxa ay qabaan ayuu yiri,” ayuu yiri Qoor-Qoor.