Xildhibaanada BF oo meel mariyey XEERKA kuraasta gobollada waqooyi ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka kuraasta gobollada waqooyi, kadib kulan ay ku yeesheen xarunya Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Sida uu shaaciyey guddoonka golaha shacabka, waxaana xeerkan ogolaatay illaa 167 mudane, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin wax diiday.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa shaaciyey inuu ansax yahay xeerkaasi, isagoona uga mahadceliyey meel marimtiisa xildhibaanada golahaas.

Xeerka kuraasta gobollada waqooy ayaa ka mid ahaa afarta xeer ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah, labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa shalay dood adag ka yeeshay xeerkan oo lagu soo dooranayo kuraasta xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guda jira Kalfadhigiisa 7-aad oo ah kii ugu dambeeyey ayaa ku howlan howlaha doorashada oo aan weli lagu heshiin nooca la qabanayo.